Jimco, February 21, 2025 (HOL) - Wasiirka arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu diiday kaalmada dowladda Fedaraalka ee lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Daacish.
Wuxuu tilmaamay Wasiirka in dowladda Soomaaliya qorshaheedu yahay in Puntland ka gacan siiso dagaalka ay kula jirto Daacish, sida hubka, adeegga caafimaad iyo saanadda militari, hayeshee uu ka horyimid madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale xusay in qancinta madaxweynaha Puntland heer walba gaarsiisay dowladda Fedaraalka, balse Deni uu xiray albaab kasta oo dowladdu kaga qeyb qaadan laheyn caawinaada ku aadan dagaalka Daacish.
“Ololaha hadda socdda ee ka dhanka ah Daacish dowladdu waxay dhahday Saciid Deni gacan aan kuu fidino, dhaawacyada aan soo qaadno oo saanadda aan ku siino, laakiin Siciid Deni wuu diidan yahay, dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay iney hesho meel ay kasoo gasho, xoog kuma soo gali kartee, waan aragna wasiiro ka tirsan maamulkaas oo markey meel yar qabsadaan dowldda ku eedeyo waxan meesha oolin, waxaan u baahanay in la helo rabitaanka maamulka halkaas ka jira” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.
Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo marar badan maamulka Puntland ku eedeeysay dowladda Federaalka Soomaaliya iney ku fiirsatay dagaalka ka socda dhulka Buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari si ay uga adkaato kooxda Daacish.