2/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 21, 2025
Ciidamada Dowladda oo ku wajahan Deegaanka Ceel Baraf oo Al shabaab ay la wareegeen maalintii shalay
 

Jimco, February 21, 2025 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Ciidamo aad u farabadan waxa ay geysay degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo shalay ay ku dagaalameen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayay kuwa degaanka iyo Al-Shabaab, hayeeshee Al-Shabaab ay la wareegeen degaano dhowr ah.

Ciidamada oo isugu jira kuwa sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab, kuwa Gorgor, Ciidamda Ilaalo Qaran ayaa ka kala yimid degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo degmooyinka Moqokori iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan sida aynu wararka ku helnay.

Ciidamada qaarkood ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage, waxaana qorshahoodu yahay inay Al-Shabaab ka saaraan degaannada qaar oo ay weli ku sugan yihiin ee Shabeelaha Dhexe.

Xiisad dagaal oo u dhaxeeysa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa ka taagan Aaga degmada Ceelbaraf, iyada oo dadka degaanka qaarkood ay sheegayaan in laga cabsi qabo in dushooda lagu dagaalamo.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in ciidamada xoogga dalka oo kaashanayay kuwa degaanka ay gaaraan degaano horleh oo katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, si looga saaro degaano dhowr ah oo ay Al-Shabaab kala wareegeen ciidamada Dowladda.