2/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 21, 2025
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo Maanta dib ula wareegay deegaanada Ceelbaraf iyo Miirtaqwa
 

Jimco, February 21, 2025 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa goordhaw dib ula wareegay gacan ku heynta deegaanada Ceelbaraf iyo Miirtaqwa ee gobalka Shabeellaha Dhaxe.

Dib ula wareegista deegaanka Ceelbaraf ee ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa timid markii halkaas 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay gacanta ku hayeen kooxda Al-shabaab.

Ciidamada iskaashanaya ayaa sidoo kale dib ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Miirtaqwa ee isla gobolka Shabeellaha dhexe oo ay kooxdu la wareegay galinkii hore ee maanta.

Saraakiisha hoggaamineysay çiidamada is kaashanaya ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in si nabad ah ay dib ula wareegeen deegaanada, islamarkaana xubnahii Al-shabaab ee ku sugnaa ay halkaas isaga carareen.

"Khawaarijta waxay ka fa'ideysteen Shalay maraan gurmad ahaan u aadnay dagaalo ka socday Ceel Cali Axmed iyo Cali Fooldheere ayay inoo soo dib mareen Ceelbaraf, maanta markey maqleen inaan kusoo soconana way naga carareen oo tabartooda dhan ayaa intaas ah" ayuu yiri mid ka mid ah Saraakiisha ciidanka xoogga ee dib ula wareegay Ceelbaraf.

Si kastaba ha ahaatee Al-shabaab ayaa Shalay aroortii hore  weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaaday deegaanada kala ah  Ceel Cali Axmed iyo Cali Fooldheere, halkaas oo ay dowladda fedaraalka sheegtay in kooxda looga dilay in ka badan 130 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.