2/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 22, 2025
Booliska Soomaaliya oo baadi goobaya rag baxsad ah oo ku eedeysan dil
 

Sabti, February 22, 2025 (HOL) - Bayaan ay soo saareen Taliska Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa lagu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka doonayaan inay ka gacan siiyaan soo qabashada rag eedeysanayaal ah oo dil ku eedeysan baxsadna ah.

Bayaanka kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in ragaan eedeysanayaasha ah ee sharciga ka baxsaday lagu kala magacaabo Sadam Cumar C/Samad iyo C/risaaq Cali Maxamed (Aflow) kuna eedeysan in ay si bareer ah u dileen 14/2/2024 askari katirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, Marxuum Caamir Ismaaciil Cali 25 jir ah.

Warka kasoo baxay Booliska ayaa sidoo kale lagu yiri "Waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu wargalinayaa in ay soo qabashada eedeysanayaashaan ku gacan siiyaan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed".

"Waxaana lagu amaal marinayaa ruuxii soo gudbiyay xog sahleysa in gacanta lagu dhigo amma xumin walba oo ka tirsan Hay’addaha amaanka oo ku guuleesya in uu gacanta ku soo dhigo 10.000$ toban kun oo Doolarka Mareykanka ah" ayaa ugu dambeeyn lagu sheegay bayaanka Booliska.

Dilalka noocaani oo kale ee ciidanka dhexdiisa ayaa dhowaanahaan waxaa uu ahaa kiisaska sida weyn uga soo ifbaxay gudaha talisyada kala duwan ee ciidanka Soomaaliya.