2/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 22, 2025
Puntland oo sheegtay in xubno ka tirsan Daacish lagu dilay duqayn uu Maraykanku ka geystay buuraha Calmiskaad
 

Sabti, February 22, 2025 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa duqeyn ka fulisay buuraleyda Calmiskaad, iyagoo bartilmaameedsatay xubno ka tirsan argagixisada Daacish, sida lagu sheegay warka kasoo baxay maamulka Puntland

Duqeyntan oo dhacday xalay fiidkii ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxaha argagixisada ee ka howlgala gobolka Bari.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in weerarkan lagu dilay xubno muhiim ah oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo ku sugnaa goobaha la duqeeyay.

Saraakiisha amniga ayaa tilmaamay in duqeyntan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo howlgallada ka dhan ah Daacish.

Puntland ayaa horey u shaacisay inay ka go'an tahay ciribtirka kooxda Daacish iyadoo kaashaneysa saaxiibada caalamiga ah sida Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta.

Duqeyntan ayaa imaaneysa xilli ciidamada Puntland ay wadaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad.

Shalay, ciidamada Puntland ayaa sheegay inay gaareen taliskii uu uu ku sugnaa hoggaamiyaha Daacish, Cabdiqaadir Muumin, iyagoo sheegay inay soo qaban doonaan meel kaste oo uu ku dhuunto.

Saraakiisha amnigu waxay sheegeen inay haatan Daacish ku hareen dhul yar oo ay difaac kaga jiraan.