4/5/2025
Today from Hiiraan Online: Minneapolis man pleads guilty in $120K juror bribery scheme ...
Wararka Maanta- Sabti, Feb 22, 2025
Puntland: Xasan Sheikh waxba taageero ah ugama baahin. Waxaa laga rabaa inuu meel ku sheego dalkii loo doortay
 

Sabti, February 22, 2025 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa), ayaa sheegay in aysan wax taageero ah uga baahnayn Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Juxa ayaa tilmaamay hadalkii ka soo baxay madaxweyne Xasan Sheikh in uu yahay mid hadal siyaasadeed oo aan laga dheehan karin niyad wanaag.

Wasiirku wuxuu xusay in Puntland ay isku filan tahay, isaga oo u mahad celiyay saaxiibada caalamiga ah ee gacan ka siinaya dhinaca cirka iyo cid kaste oo kale oo gacan siisay.

“Dowladda Federaalka qaaraan ugama baahnin, Puntland iyo dadkeeda waa isku tashadeen. Xasan Sheekh Maxamuud waxaa laga rabaa inuu meel ku sheego waajibaadkii loo doortay saddex sano ka hor” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in Puntland aysan wax mashaariic ah ama taageero dhaqaale ah ka helin Dowladda Federaalka. Wuxuu ku eedeeyay madaxda Dowladda Federaalka inay iska indho tireen dagaalka Puntland kula jirto Daacish tan iyo markii uu bilowday.

Maanta ayay ahayd markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu sheegay in uu magacaabi doono guddiga isku dubaridka taakulada iyo taageerada dagaalka Puntland kula jirto kooxda Daacish, isagoo ballan qaaday in Dowladda Federaalka ay garab taagan tahay Puntland.