Axad, February 23, 2025 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in Urur goboleedka IGAD uu qorsheynayo in magaalada Muqdisho ka furto Xafiiska Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha Buluugga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arrintaan ku dhawaaqay xilli uu Shalay ka hadlayay furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in tallaabadani ay fursad weyn u tahay Soomaaliya si ay uga faa’iideysato kheyraadka Baddeeda ku jira iyo horumarinta dhaqaalaha Buluugga ah.
“Dalkeenna waxaa laga hirgelinayaa xarunta horumarinta dhaqaalaha buluugga ah ee IGAD, oo uu madax ka noqon doono qof Soomaali ah, Waaxdaan oo ay dhawaan sameysteen Ururka ayaa Soomaaliya u garatay in Xafiis ka furato maadaama dalkeena uu yahay wadanka haysta badda ugu dheer iyo kheyraadka ugu badan" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xaruntaan cusub ee lagu wado in IGAD Ka furto Muqdisho ayaa noqon doonta mid diiradda saarta horumarinta dhaqaalaha buluugga ah ee gobolka Geeska Afrika, taasoo fursad weyn siin doonta Soomaaliya iyo dalalka kale ee IGAD inay iska kaashadaan maareynta kheyraadka Badda, cilmi baarista, iyo hal-abuurka si loo gaaro horumar waara oo dhanka dhaqaalaha.
Si kastaba ha ahaatee madaxa Xafiiska Urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya Ambassador Maxamuud Cabdi Axmed ayaa dhankiisa sheegay in IGAD ay ku howlan tahay diyaarinta xafiiska xarunta Dhaqaalaha Buluugga ah ee Muqdisho iyo sidii ay si wadajir ah uga faa'ideysan lahayeen dalalka gobolka Kheyraadka dhaqaalaha Baluuga ah.