3/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 23, 2025
Xildhibaan Caana nuug "Sababta ganaax ku sheega wuxuu ahaa kaliya inaan lagu buuqin Madaxweynaha"
 

Axad, February 23, 2025 (HOL) - Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caana nuug oo ka mid ahaa 15 Xildhibaan oo maanta dib loogu fasaxay kulamada Kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka ayaa si kulul uga hadlay xeer uu soo saaray guddoomiye Aadan Madoobe oo dib loogu fasaxay Xildhibaanadan iney ka qeyb noqdaan kulamada Golaha.

Wuxuu sheegay in markii horaba sifada lagu ganaaxay ay aheyd mid qaldan oo aanan waafaqsaneyn sharuucda Baarlamaanka iyo Dastuurka dalka, islamarkaana ay aheyd fulinta fikir shaqsi.

"Sababta ganaax ku sheega dhan waxay aheyd inaan lagu buuqin Madaxweynaha oo aanan loo sheegin in dalka uu ku wado jiho qaldan oo ka joog aanan la dhihin sidaas ayay aheyd ujeedka ganaaxa, waxayna aheyd fikir shaqsi oo kasoo baxay madaxweynaha oo la soo dhex marsiiyay Aadan Madoobe iyo Xamse, marka maba aheyn ganaax ku saleysan sharciga" ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caana nuug.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale tilmaamay in u jeedkii Xasan Sheekh uu hirgalay, maadama uu siduu ugu talo galay uga hor khudbeeyay furitaanka kalfadhiga labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

"Maxaa isku soo beegay in la yiraahdo in maalintii furitaanka Kalfadhiga 6-aad, kadib la yiraahdo ganaaxa ayaa laga qaaday Xildhibaanada, qof walba waa garan karyaa waxa keenay in kulamada dib loogu fasaxo, kadib furitaanka Kalfadhiyada labada Gole iney aheyd yaan madaxweynaha firinbi lagu yeerin, waxaase sidoo kale leeyahay Wasiirada niicda ah ma difaaci karaan Xasan Sheekh iyo Xukuumadiisa" ayuu yiri Xildhibaan Caana nuug.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Caana nuug ayaa sheegay ineysan marnaba aqbali doonin in dalka koox gaar ah sidey doonto iyo danahey leedaahay ka fushato.