3/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 24, 2025
Diyaarado dagaal oo duqeeyay saldhigyo Al shabaab ku lahaayeen Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe
 

Isniin, February 24, 2025 (HOL) - Duqaymo xoogan ayaa ka dhacay Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Jubadda Dhexe kuwaasoo lala beegsaday saraakiil ay ku jiraan kuwa ajaanib ah iyo dagaalamayaal katirsan kooxda Al shabaab, waxaana sidoo kale duqeymahaasi lagu burburiyay xaruun shabaabka ay qaraxyo waa weyn ay ku diyaarinayeen.

Waxaana ka mid ah deegaanada ay duqeymaha ka dhaceen Hawaay oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose oo lagu beegsaday Maleeshiyaad Shabaab ka tirsanaa oo Qaraxyo waaweyn u diyaarinaayay inay kusoo weeraraan magaalada Muqdisho

Sidoo kale Sablaale ayaa duqeyn lagu dilay Saraakiil ajaanib ahaa oo Al shabaab ay u diyaarinayeen qorshaha weerarada ka socda Gobolka Shabeellada Dhexe sida ay sheegeen saraakiisha amaanka Soomaaliya.

Xaramka ayaa ka mid ah goobaha duqeymahaan ay ka dhaceen waxaana lala beegsaday Goobo Al shabaab ay Qaraxyo waa weyn ku diyaarinayeen.

Deegaanka Arbacoow ayaa sidoo kale duqeyn lagula eegtay dagaalamayaal ajaanib u badnaa oo ka tirsanaa Al shabaab kuwaasoo isugu jiray saraakiil amniyaat ah iyo ajaanib kooxda muhiim u ahayd.

Mudooyinkii dambe waxaa sii xoogaysanayay duqeymaha ay diyaaradaha dagaalka la beegsanayaan saraakiisha maleeshiyaadka iyo xarumaha waweyn ee kooxda Al shabaab kuwaasoo ay kala kulmaan khasaare xoogan.