3/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 25, 2025
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo amaanay guulihii ay ciidamada Dowladda ka gaareen Dagaaladii ka dhacay Shabeellaha Dhexe
 

Talaado, February 25, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku amaanay ciidanka Qaranka iyo kuwa macawiisleeyda guushii ay maanta ka gaareen dagaalo qaraar oo ay kula galeen degaano kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ra'iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadu ay hakan doonin oo la xoojin doono dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in ciidamadii maanta jilbaha u dhigtay inay dhulka iyo shacabka ay Al shabaab ka badbaadiyaan ay baal dahab ah ka geli doonaan taariikhda, isaga oo hoosta ka xarriiqay in marnaba aan laga hari doonin Al shabaab goob walba oo ay ku sugan yihiin, maadaama ay u taagan yihiin ka been sheegga diinta, daadinta dhiigga shacabka iyo burburinta maalka ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan bogaadinayaa guulaha isdaba-joogga ah ee Geesiyaasha Soomaaliyeed ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, iyada oo jab xoog leh la gaarsiiyey kooxaha Argagexisada ah, lagana sifeeyey goobo badan oo ay ku dhuumaaleysanayeen, isla markaana ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed, oo hadda la gaarsiiyay harka dowladnimada”. ayaa lagu yiri Ra'iisul Wasaare Xamse.

Ugu dambeeyntii Ra’iisul Wasaaraha waxa uu tilmaamay in Xukuumadda ay ka go’an tahay sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxaha Al shabaab iyo Daacish ee diiddan nabadda Soomaaliya iyo in bulshada la gaarsiiyo adeegyada ay u baahan yihiin, maadaama ay iyagu hortaaggan yihiin wax walba oo horumar u horseedaya dadka iyo dalka.