3/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 25, 2025
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inkabadan 70 Al shabaab in lagu dilay Shabeellaha Dhexe

Talaado, February 25, 2025 (HOL) - War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay khasaaraha ka dhashay dagaalo xoogan oo maanta ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu xusay in inkabadan 70 Dagaalame iyo horjoogayaashoodi Al shabaab ah lagu dilay Dagaalada oo ay barbar socdeen Duqeymo.

War saxaafadeedka waxaa lagu yiri "In ka badan 70 ka tirsan maleeshiyaadka Al shabaab ah ayaa lagu dilay hawigallo ka hortag ah oo Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ay ku jebiyeen cadowga, kuwaasi oo ka dhacay deegaannada Cadow-Guray oo ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo degaannada Ceel Cali Axmed iyo Alkowsar oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe."

Wasaaradda waxa ay xustay in ciidamada Qaranka oo sii hayey xogta isku dayada Al shabaab ayaa mid kasta sidii loo qorsheeyay u burburiyay, waxaana hadda yaalla goobaha ay ka dhaceen hawlgalada maydadka Dagaalamayaasha Al shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal.

Inta ay socdeen hawlgaladan waxaa sidoo kale lagu furtay hub badan, halka sidoo kale lagu burburiyay gaadiid nooca dagaalka kuwaasi oo ay wateen Al shabaab.

War saxafadeedka ayaa ugu dambeeyn lagu sheegay in Dowladdu ay wali tirakoobayso khasaaraha iyo jabka aan la soo koobi karin ee Al shabaab lagu gaarsiiyay hawlgalada maanta lagu fashiliyay dhagarta cadowga, dhowaanna lala soo wadaagi doonaa shacabka Soomaaliyeed wararkii ugu dambeeyay.