3/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 26, 2025
Qaybo ka mid ah dadweynaha Ceerigaabo oo ka hor yimid qaramaynta ciidamada madaniga ah
 

Arbaco, February 26, 2025 (HOL) - Qaybo ka mid ah dadweynaha magaalada Ceerigaabo ayaa diiday in la qarameeyo ciidamada madaniga ah ee SSB iyo G36, kuwaas oo ah ciidamo beeleedyo.

Dadweynahan oo iskugu soo baxay goobo ka mid ah magaalada Ceerigaabo ayaa ku dhawaaqayey erayo ay ku muujinayaan in aanay wali jirin nabad buuxda, sidaas darteedna ay u arkaan in qaramaynta ciidamada ay keeni karto in magaalada la soo weeraro.

Waxay sheegeen inay ka cabsi qabaan in magaalada lagu soo duulo, isla markaana ay ciidamada SSC Khaatumo iyo beeleedyada kale faa'iidaystaan fursadda, isla markaana ay magaalada soo galaan.

"SSB iyo G36 waxa la qaramaynaya, SSC marka la qarameeyo ee ay Somaliland ka mid noqdaan, iyaguba waa reer, sow maaha? Anaguna reer ayaan nahay. SSB iyo G36 jiidaha way joogaan," ayey tidhi gabadh ka mid ah mudaharaadayaasha.

Badhasaabka gobolka Sanaag, Axmed Cabd Muuse, ayaa sheegay in magaalada ay ka socdaan shirar u dhexeeya waayeelka iyo xukuumadda, isla markaana ay meel fiican wax marayaan marayaan. Wuxuu intaas ku daray in wax laga qaban doono cid kasta oo ka hor timaadda nabadaynta Ceerigaabo.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa magaalada u jooga hawlaha qaramaynta ciidamo beeleedyada iyo heshiisiinta bulshada wada deggan magaalada.

Xukuumaddu waxay dhawaan amartay in ciidamada ammaanka oo keliya ay hub ku dhex qaadan karaan magaalada, isla markaana waxay ugu baaqday dadkii magaalada ka barakacay in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.