3/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 26, 2025
Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka oo ka qeyb qaatay dagaalkii ka dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe
 

Arbaco, February 26, 2025 (HOL) - Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa shaaca looga qaaday in Dowladda Federaalka iyo Dowladda Mareykanka oo Iska Kaashadey ay qaadeen hawlgal Lagu Laayey Tiro Badan oo Al Shabab ah oo kabaxsanaayay dagaalkii ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Warka waxaa lagu yiri "Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Howgalka Militariga Mareykanka ee Afrika ( AFRICOM ) oo iskaashanaya ayaa fuliyay howlgal duqeyn ah oo lagu naafeeyay cadowga argagixisada ah ee ku hungoobay, laguna jabiyay weerar ay ku qaadeen magaalada Alkowsar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabelle".

Duqeynta oo ay fuliyeen US AFRICOM oo kaashanaya Ciidanka Qaranka ayaa lala beegsaday firxadka maaleeshiyaadkii iyo horjoogayaashii Al shabab  ee lagu jabiyay dagaalkii ay la galeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee macawiisleeyda loo yaqaano.

Wasaaradda waxa ay sheegtay in Wali ay socota qiimeynta khasaaraha gaaray Al shabaab oo aad loogu naafeeyay dagaalkii shalay, waxaana dadweynaha Soomaaliyeed la socodsiin doonaa hadba wixii ka soo kordha ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Ugu dambeeyntii war-saxaafadeedka ayaa shaaca looga qaaday in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamka sida Howlgalka AFRICOM ee Mareykanka waxaa ka go’an xoojinta iskaashiga lagu ciribtirayo kooxaha argagexisada oo cadow ku ah ummadda Soomaaliyeed iyo caalamka intiisa kale.