Arbaco, February 26, 2025 (HOL) - Taliska howlgalada ciribtirka kooxda Daacish ee maamulka Puntland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay duqeyn xalay ka dhacday deegaanka Miraale ee gobolka Bari oo lagu dilay dagaalamayaal badan oo ka tirsan kooxda Daacish.
Duqeynta Xalay ayaa la sheegay in lagu dilay ilaa 25 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish ee ka dagaalanta dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.
Warka qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in duqeynta ay fulisay dowladda Imaaraadka Carabta oo gacan ka helaysay ciidanka ku howlan ciribtirka Daacishta ku sugan Puntland, waxaana duqeynta la tilmaamay in si gaar ah looga fuliyay goob ay ku dhuumaaleysanayeen oo ay isku aruursanayeen xubno ka tirsan Daacish.
Dhinaca kale ciidamada maamulka Puntland ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan ku burburiyay fariisimo Daacish ku laheyd deegaanada kala ah Kalriyaad, Saax iyo Madaah ee gobolka Bari oo ay ku yaalaan saddex Ceel Biyood oo muhim u ah deegaannadaasi.
"Waxaa ciidamadu burburiyeen Talisyo yar yar oo ay ku dhuumaaleysanayeen argagixisada Daacish, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay Dameero ay raranayeen Argagixisadu iyo Agab kale oo ay lahaayeen" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Puntland.
Ugu dambeyntii ciidamada maamulka Puntland oo taageero kala duwan ka helaya saaxiibada caalamka ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah kooxda Daacish ka wada deegaanada dhaca dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, waxaana dagaaladaas lagu dilay rag u badan ajaaniib oo u dagaalamayay Daacish.