3/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 26, 2025
NISA oo shaacisay iney burburisay gaadiid Al-shabaab kasoo buuxiyeen waxyaabaha qarxa

Arbaco, February 26, 2025 (HOL) - Taliska hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa goordhaw shaaciyay in duqeyn lagu burburiyay gaadiid qaraxyo kasoo buuxiyeen kooxda Al-shabaab oo ay doonayeen iney ku weeraraan deegaanka AlKowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warsaxafadeed kasoo baxay hay'adda NISA  ayaa lagu sheegay in gaadiidkaan qaraxyada kusoo rareen kooxda iyo kolanyo gaadiid kale ah oo la socday Xalay duqeyn lagula beegsaday tuulooyinka Sigato iyo Libi Aw Xasan oo ku yaala inta u dhaxeysa deegaanada kala ah Riinirgood iyo Alkowsar.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay in gaadiidka qaraxyada kooxdu kasoo buuxisay uu mid ka mid ah ahaa noociiisa Leyla Calaawi, islamarkaana kooxdu ay dooneysay iney ku weerarto Maasajidka deegaanka Alkowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan Xalay lagu burburiyay gaadiidka qaraxyada kusoo rareen Al-shabaab ayaa kusoo aadaya, iyadoo dagaalo ay ka dhaceen deegaanada Alkowsar, Daarunimca, Ceel baraf iyo Ceel Cali Axmed oo dhamaantood ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay NISA oo dhameystiran:-