Arbaco, February 26, 2025 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaasi uu haatan ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo kuwa Al-shabaab.
Dagaalka ayaa lasoo warinaya inuu si toos ah uga socdo gudaha deegaankaas, waxaana lasoo warinaya in dagaalka uu yahay mid aad u xoogan oo labada dhinac isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Ceydiid Maxamed Cabdulle oo ah hogaamiyaha ciidanka Macawiisleeyda ee ka dagaalamaya deegaanka Ceelbaraf ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka khasaare xoog leh ku gaarsiiyeen kooxda Al-shabaab, islamarkaana soo afjari doonaan saacadaha soo socda.
“Dagaalku gudaha Ceelbaraf ayuu ka socdaa Caawa intaan la gaarin waan ka saareynaa Khawaariijta, ciidamada Danab ayaa dagaalka qeyb ka ah, waxaa sidoo kale qeyb ka ah gurmad xoog leh oo nooga yimid Jalalaqsi, cadawga wan ka guuleysaneyna, maanta kaliya waxaa ka dilnay in ka badan 20 xubnood waana soo afjafeyna maqrib ka hor” ayuu yiri Ceydiid Maxamed Cabdulle oo ah hoggaamiyaha Macawiisleeyda ka dagaalameysa Ceelbaraf.
Dagaalka ka socda Ceelbaraf ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ka dhaceen dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo kooxda Al-shabaab, waxaana dagaaladaasi Al-shabaab looga dilay ku dhawaad 200 oo ka mid ahaa dagaalamayaashooda.