Hiiraan Online
3/1/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 26, 2025
Burundi oo bilowday in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya 18 Sano kadib
Arbaco, February 26, 2025 (HOL) - Burundi ayaa si rasmi ah u billowday in ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya, taasoo soo afjartay 18-sano oo ay ka mid ahaayeen howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika.
Go’aankan ayaa daba socda khilaaf ku saabsan qoondada ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Wadahadalo u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Burundi ayaa lagu guuldareystay in lagu heshiiyo, gaar ahaan ka dib markii Bujumbura ay dalbatay in qeyb weyn laga siiyo Ciidamada AUSSOM. Markii la diiday codsigeeda, Burundi waxay dooratay inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, taasoo calaamad u ah soo afjaridda ka qaybqaadashadeedii dheeraa ee hawlgallada amniga ee Soomaaliya.
Burundi ayaa waxay noqotay dalkii labaad ee ciidammo u soo dira Soomaaliya sannadkii 2007-dii, iyagoo qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo Uganda ay ahayd dalkii ugu horreeyay. Sanadihii ugu dambeeyay ciidamada Burundi ayaa kaalin ka qaadanayay howlgallada ka socda Banaadir iyo Shabeellaha Dhexe.