Khamiis, February 27, 2025 (HOL) - Lataliyaha amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalim ayaa waxaa uu sheegay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado qorshihii ugu dambeeyay guud ahaan dalka looga saaraayo Dagaalamaayaasha Al-Shabaab iyadoona si firfircoon ay uga qeyb qaadan doonaan dhowaan Ciidamada Howlgalka cusub ee AUSSOM.
Lataliyaha amniga Madaxweynaha Xuseen Macalin ayaa waxaa uu tilmaamay in uu socdo isku dabaridka howlgallo Militari oo ay Ciidamada Dowladda ku gaarayaan Magaalooyinka Bu'aale iyo Jilib ayna dhowaan ciribtiri doonaan Kooxda Al shabaab.
Howlgalka cusub ee soo socda waxa uu shaaca ka qaaday inay ka qeyb galayaan wadamada Uganda, Itoobiya, Masar, Jabuuti iyo Kenya waxaana guud ahaan ciidamadaan ay gaarayaan 11,900 askari.
Mas'uulkaan ayaa xusay in askarta Uganda ka imaan doonta 4500 halka 2500 askari ay ka imaanayaan dalka Itoobiya, 1520 ay ka imaanayaan dalka Jabuuti halka 1410 ay Kenya ka imaan doonaan iyo Masar oo howlgalkaan kusoo biirin doonta 1091 askari.
Lataliye Xuseen Macalim ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal ay kor ugu qaadayaan tayeeynta ciidamada iyo sidii guud ahaan ay u hanan lahaayeen sugida amaanka guud ee Soomaaliya.