Hiiraan Online
3/1/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 27, 2025
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo kusoo wajahan saacadaha soo socda magaalada Muqdisho
Khamiis, February 27, 2025 (HOL) - Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali ayaa kusoo wajahan maanta oo Khaamiis ah magaalada Muqdisho waxaana la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda ugu sareeysa ee dalka.
Booqashadaan waa tii 2aad ee uu Abiy Axmed ku imaanayo magaalada Muqdisho waxaana lagu doonayo in lagu dhameystiro heshiiskii Ankara ee ay garwadeenka ka ahayd Dowladda Turkiga.
Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa la xiray waxaana si aad ah loo adkeeyay baraha korntaroolada ee laga soo galo Caasimadda, waxaa lagu arkayaa ciidamo badan agagaarka Garoonka Adan Cade iyo wadooyinka gala Aqalka Villa Soomaaliya.
Calamada Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyo sawirada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy oo gacanta is galinaya ayaa lagu xardhay qeybo kamid ah baalooyinka ku yaala wadooyinka magaalada Muqdisho iyo boorar ay ku qoran yihiin "soo dhowow Abiy Axmed".
Waxaa la filayaa inay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ay qaban doonaan shir jaraaid ay ku faah faahin doonaan qodobada dhameystirka ee heshiiskii Ankara.