3/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 27, 2025
Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland oo Beeniyay in ay Dhaqaale ka Heleen Dowladda Soomaaliya
 

Khamiis, February 27, 2025 (HOL) - Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in ay dhaqaale ka heleen Sanduuqa Xasillinta Soomaaliya ee ay beesha caalamku taageerto.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka, Muuse Xasan Yuusuf, oo waraysi kooban siiyay warbaahinta Luqmaan Media, ayaa gabi ahaanba beeniyay in safar ay ku tageen Nairobi ay kula kulmeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

"Kulankaasi wuxuu ahaa kulan gaar ah oo aanu la qaadanay waddamada Somaliland ka taageera doorashooyinka. Wararkaasi waa been abuur, wax Sanduuqa Xasillinta Soomaaliya ah oo aanu la kulanay ma jiro, horayna lacag ugamaanaan qaadan" ayuu yidhi Guddoomiye Muuse.

Waxa uu sheegay in, koomishan ahaan, ay ku shaqeeyaan nidaam daah-furan, isla markaana arrimaha doorashooyinku yihiin kuwo xasaasi ah oo aan loo baahnayn in laga faafiyo xogo aan sugnayn. Wuxuu intaas ku daray in ay tallaabo ka qaadi doonaan dadka fidiyay wararkaasi.

Guddoomiyuhu waxa uu ballanqaaday in doorashooyinka isku lamaan ee golayaasha wakiillada iyo deegaanku ay ku qabsoomi doonaan wakhtigoodii, isla markaana ay xukuumaddu diyaarinayso kharashkii ku bixi lahaa. Dhanka kalena, waxa uu sheegay in ay farsamo ahaan diyaar u yihiin in doorashooyinku dhacaan 31-ka May, 2026.

Somaliland ayaa markii saddexaad muddo shan sano gudaheed ah qaban doonta doorashooyin waaweyn oo isku lamaan. Xukuumaddii Madaxweyne Biixi ayaa ku guulaysatay qabashada doorashooyinkii laba labada iskugu lamaanaa ee wakiillada, deegaanka, madaxtooyada, iyo xisbiyada.

Xukuumadda Somaliland ayaa bixisay badi dhaqaalihii ku baxay afartii doorasho ee ugu dambeeyay, halka wakhtiyadii hore ay beesha caalamku inta badan dhaqaalaha ku yaboohi jirtay.