Khamiis, February 27, 2025 (HOL) - Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali oo maanta Booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa soo gabagabeeyay Booqashadii oo qaadatay muddo afar saacadood ah oo uu kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si loo xoojiyo xiriirka labada Dowladood.
Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, iyagoo adkeeyay xiriirka taariikhiga ah iyo derisnimada labada shacab oo ay aasaas u tahay is-ixtiraam qarannimo iyo ka dheeraanta faro-gelinta arrimaha gudaha dal kasta waxay sidoo kale si wadajir u soo dhaweeyeen is-afgaradka ay gaareen Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Difaaca Itoobiya, kaas oo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.
War murtiyeedka laga soo saaray gabagabada kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa waxa ay kusoo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara, sida lagu heshiiyay Bayaanadii Ankara, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay wadahadal wax dhisaya iyo iskaashi.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa uga mahad celiyey Dowladda iyo shacabka Soomaaliya soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna adkeeyey mudnaanta uu dalkiisu siinayo xiriirka labo-geesoodka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, si ka tarjumaysa danaha labada dal iyo xasilloonida gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku bogaadiyey Ra'iisul Abiy Axmed booqashada uu ku yimid dalka iyo wadahadallada mirodhalka ah ee ay ku yeesheen Villa Soomaaliya ayaa ku celiyey aragtida soo jireenka ah ee ay ku dhisan tahay diblumaasiyadda Soomaaliya ee ilaalinta daris wanaagga, is-ixtiraamka qarannimo iyo in aan cidna laga aqbalayn ku xadgudubka midnimada iyo wadajirka shacabka iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.