Hiiraan Online
3/1/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, Feb 28, 2025
Ciidamada Dowladda oo Al shabaab kala wareegay magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug
Jimco, February 28, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya degaanada Gobolka Mudug ayaa kusoo waramaya in Ciidamada Darawiishta Galmudug, xooga dalka iyo kuwa deegaanka ay saakay gudaha u galeen oo ay dagaal kula wareegeen inta badan Magaalada Bacaadweyne ee koofurta Gobolka Mudug.
Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada ay saakay weerar ballaaran ku qaadeen halkaasi oo fadhiisin u ahay Al shabaab sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha amaanka ee Dowladda Soomaaliya.
Dagaalamayaashii Al shabaab ee gacanta ku haayay Magaaladaasi ayaa iskaga baxay Bacaadweyne waxaana ciidamada ay wadaan howlo amaan sugis ah gudaha Magaaladaasi.
Inkastoo aan si rasmi ah khasaaraha loo ogeyn haddanse waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo dhinacyada dagaalamay kasoo gaaray.
Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Dowladda iyo kuwa Daraawiishta ee Galmudug ayaa waday howlgallo lagu doonayay in Al shababka wali kaga harsan gobolka Mudug.