Jimco, February 28, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalkaan uu ka qabsoomo doorasho wadar ogol ah oo aan lagu muransaneen, waxaana uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kaligiis uusan qaban karin doorasho qof iyo cod ah.
Waxa uu Guddoomiye Cali Fiqi ka digay in wadankaan xaaladiisu ay halis ku jirto, waxaana uu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo inaan dalkaan lagu kala tagin ee loo baahan yahay in la isku haayo.
"Cid aan raali ka ahayn ma jirto inay dhacdo Doorasho qof iyo cod ah balse qof inuu shaati kaligiisa usoo tasho inuu wax qabto, waxaa dhaceysa inaysan dad badan raali ka noqon doonin" ayuu yiri Guddoomiyaa Baarlamaanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Cali Fiqi.
Waxa uu hadalkiisa raaciyay "Madaxweynoow kusoo noqo wadadii saxda ahayd", Guddoomiye Fiqi ayaa sheegay in hadda ay Somaliland ay maqan tahay ayna dhici karto kuwa kale oo sideedi oo kale u fogaada inay arkaan.
Arinta Doorashada qof iyo codka ay Dowladda Soomaaliya ku adkeesanayso waxaa si aad ah u diidan mucaaradka oo sheegay in loo baahan yahay nidaamka doorashada dalka in heshiis lagu wada ahaado.