3/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 28, 2025
Qaramada Midoobay: 1,400 Qof ayaa Soomaaliya ugu geeriyooday Qaraxyo Sannadkii Hore
 

Jimco, February 28, 2025 (HOL) - Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miinooyinka (UNMAS) ayaa dowladda Soomaaliya ugu deeqday qalabka looga hortago khatarta joogtada ah ee walxaha qarxa ee Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa looga goleeyahay si loo yareeyo khasaaraha ka dhashay qaraxyada, iyadoo warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay lagu sheegay in qaraxyada la dhigo waddooyinka ay yihiin halis weyn oo saameyn ku leh nabadda iyo ammaanka Soomaaliya.

Hay'addu waxay sheegtay in sannadkii hore, 597 qarax ay sababeen geerida in ka badan 1,400 qof.

UNMAS ayaa Soomaaliya ku wareejisay Qalabkan, oo ka kooban gaadiidka qaraxayda ka hortagga, qalabka baarista waddooyinka, iyo qalabka looga hortago walxaha qarxa. Waxay sheegtay in la filayo inuu sare u qaado dadaallada Soomaaliya ee la dagaallanka qaraxyada la hago (IED).

“Marka la eego qatarta IED-yada ee Soomaaliya, waa lama huraan in la joogteeyo awoodda ciidamada amniga qaranka, gaar ahaan iyadoo la tixgelinayo bixitaanka ciidamada Midowga Afrika (AU),” ayey tiri Ilene Cohn, Agaasimaha UNMAS.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ee u tababaran la dagaallanka walxaha qarxa ayaa gaadhay guul dhan 70% oo la xiriirta helista iyo nadiifinta miinooyinka iyo qaraxyada la hago.

Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga, ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay dhiseyso awood dhab ah oo ay ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ku xoojinayaan la dagaallanka qaraxyada.

Tan iyo 2021, UNMAS waxay tababartay oo qalabaysay 51 kooxood oo ka tirsan ciidanka XDS, iyadoo siisay koorsooyin sare si loo hubiyo joogtaynta dadaallada lagu xoojinayo la dagaallanka miinooyinka.