2/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 3 , 2025
Dab Xoogan oo xalay Qabsaday Suuqa Labaad ee Ugu Weyn Hargeysa
 

Isniin, February 3, 2025 (HOL) - Dab aad u xoogan ayaa xalay qabsaday Suuqa Gobonimo, oo ah suuqa labaad ee ugu weyn Hargeysa, marka laga yimaado suuqa Waaheen oo isna gabi ahaanba gubtay laba sano ka hor, kaasi oo hada dib loo dhisay.

Ciidamada dab-damiska iyo booliiska ayaa dadaal ku bixiyay daminta dabka, sidoo kale waxa la arkayay ganacsatada suuqa oo isku dayaya in ay tukaamadooda kala baxaan wixii alaab ah ee ay qaadan karaan.

"Ciidamada Booliska JSL waxay si degdeg ah u gaadheen goobta dabku ka kacay ee Suuqa Gobonimo, iyagoo dadaal ugu jira xakamaynta dabka, una kaashanaya Ciidanka Dab-damiska," ayaa lagu yidhi qoraal hadda kasoo baxay booliiska.

Maayarka Hargeysa, Cabdikariim Mooge, ayaa sheegay inuu aad uga naxay dabka mar kale halakeeyay ganacsiga shacabka, waxa uuna ku baaqay in ciidamada lagu gacansiiyo daminta dabka.

"Waxa hadda i soo gaadhay war aad ii naxdin galiyay oo ku saabsan dab ka kacay Suuqa Gobonimo. Shacabka waxaan ugu baaqayaa inay gacan kasta oo suurogal ah ka geystaan sidii loo xakamayn lahaa dabka, loogana hortagi lahaa fiditaankiisa," ayuu yidhi Maayar Mooge.

Sannadkii hore, 1-da April 2022, waxa gubtay Suuqa Waaheen oo ka mid ahaa suuqyada ugu camiran ee Geeska Afrika. Sidoo kale, 16-ka Sebtembar 2023, waxa dab kale uu baabi'iyay Suuqa Wajaale, taas oo dhaawac weyn u gaysatay dhaqaalaha Somaliland.

Marka laga yimaado suuqyada Somaliland, labadii sano ee lasoo dhaafay dabab kale ayaa ka kacay suuqyada qaar kamid ah magaalooyinka Soomaalida, sida Suuqa Taiwan ee Jigjiga, Muqdisho, Jabuuti iyo Kenya, kuwaas oo dhibaato weyn u gaystay dhaqaalaha iyo ganacsiga shacabka Soomaaliyeed.