1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 1 , 2025
Puntland oo sheegtay inay la socotay weerarka ay kooxda Daacish ka geysatay Dharjaale
 

Arbaco, January 1, 2025 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland, Maxamed Baari Shire, ayaa ka sheegay inay si dhow ula socdeen uguna diyaar garoobeen weerarkii kooxda Daacish ee shalay subax kusoo qaaday tuulada Dharjaale ee gobolka Bari.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa xaqiijiyay in qaraxyada lala beegsaday tuulada Dharjaale ay si gaar ah u ahaayeen kuwo lagu bartilmaameedsaday xarumaha ciidamada Puntland. Wuxuu sheegay in ciidamadu ay ku guuleysteen inay toogtaan dhammaan kooxda weerarka soo qaaday, oo uu tilmaamay inay u badnaayeen ajaanib ka kala yimid dalal kala duwan.

Sidoo kale, Maxamed Baari Shire wuxuu sheegay in khasaaraha dhimasho ee ciidanka Puntland uu aad u kooban yahay, balse qaraxyadu ay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah, oo ay ku jiraan carruur iyo haween.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka ayaa intaas ku daray in tuulada Dharjaale ay ahayd meel istaraatiiji ah oo kooxda Daacish ay u soo marto sahaydooda, isagoo sheegay sababta ay halkaasi u dageen in ay tahay ciribtirka Daacista ku sugan buuraha Calmiskaan.

Warbixinnada aan helnay ayaa xaqiijinaya in ku dhawaad 20 askari oo katirsanaa ciidamada Puntland ay ku geeriyoodeen weerarka Dharjaale, taasoo ah weerarkii ugu horreeyay ee Daacish ay ka geystaan Puntland, isla markaana leh khasaaraha ugu badan.

Ciidamada dhaawacmay weerarkaas ayaa xaaladooda caafimaad lagu daryeelayaa magaalada Boosaaso.