1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 10, 2025
Wasiirada cusub ee xukuumada Somaliland oo si rasmi ah loo dhaariyay

Jimco, January 10, 2025 (HOL) – Waxa si rasmi ah xilalka loogu dhaariyay 28 wasiir oo uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Dhaartan oo uu sida sharciga ah qaadayay Guddoomiyaha Maxkamada Sare Aadan Xaaji Cali, ayaa markii ay soo gaba gabowday uu Madaxweyne, Cirro, wasiirada ku guubaabiyay in ay dadaalaan oo ay fuliyaan ballanqaadyadii xukuumada.

“Dadku waxa ay inaga sugayaan adeeg kasta oo aynnu u ballanqaadnay oo ay xukuumadda ka filayaan, haddii ay tahay waxbarasho, Biyo, caafimaad, waddo iyo haddii ay caddaalad tahayba, adeegyadaasna xafiisyadiina ayaa ka masuul ah, shacabkuna wuu ina eegayaa, wuu ina qiimaynayaa, wuuna inala xisaabtamayaa" ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Madaxweynuhu waxa uu wasiirada u sheegay in la doonayo in isbadalkii uu balanqaaday xiligii doorashadu uu muuqdo oo ay wax qabad buuxa la yimaadaan, isaga oo sheegay in ay dadka doorasho dambe ka sugayaan, taasina ay ku iman karto uun hadii ay fuliyaan wixii ay ballanqaadeen.

Xukuumada oo hada joogtay muddo bil ku dhow ayaa waxa laga sugayaa waxqabadyo ay sheegeen in ay fulindoonaan boqolka cisho ee ugu horeeya, kuwaasi oo qaarna ay ku jireen ballanqaadyadii xiligii ollolaha, qaarna ay sheegeen in ay imika qorshaynayan.

Madaxweyne Cirro ayaa ku olloleeyay in uu kor u qaadi doono cadaalada iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, in uu horumarindoono adeegyada asaasiga ah, kaabayaasha dhaqaalaha iyo xidhiidhada arrimaha dibadda ee Somaliland.