1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 10, 2025
Walxo ololaya oo aan la aqoonsan oo lagu arkay hawada degmada Mooyaale

Jimco, January 10, 2024 (HOL) – Walxo aan la aqoonsan haybtooda oo ololaya ayaa xalay fiidkii lagu arkay hawada degmada Mooyaale ee ku taalla xadka Kenya iyo Itoobiya.

Dadka deegaanka, oo aan aqoonsan karin waxa ay yihiin walxahani, ayaa baraha bulshada ku baahiyay muuqaallo ay ka duubeen. Mid ka mid ah dadka reer Mooyaale ayaa sheegay in ay yihiin walxo dhowr iyo toban ah oo hawada maraya, isla markaana aan lahayn wax guux ah.

"Wax fara badan oo aad mooddo gantaallo ayaa dhanka qorrax-dhaca kasoo baxay, kadibna magaalada ayuun bay u dhaafeen dhanka qorrax-dhaca. Waxay ahaayeen ilaa dhowr iyo toban wax oo uu mid weyn ku jiro. Waxa ay yihiin ma sheegi karno, wax na maray ayuun baan aragnay, guuxna malaha," ayuu yidhi.

Caalamin Jaamac, oo ka mid ah dadka arkay walxahan, ayaa isna sheegay in laga yaabo in ay yihiin satalayd burburay. "Wax loo malaynayo inuu yahay burburka satalayd baa caawa lagu arkayaa hawada magaalada Mooyaale iyo qaybo ka mid ah gobolka Oromiya," ayuu yidhi.

Marka laga yimaado falanqaynta bulshada ku sugan deegaanada walxahan lagu arkay, ma jiraan ilo rasmi ah oo xaqiijin kara waxa ay yihiin walxahan ololaya oo baqdin geliyay shacabka deegaanada lagu arkay.