Sabti, January 11, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Ugdanda waxaana uu ka qeyb galayaa Shir-madaxeedka Barnaamijka Horumarinta Beeraha Qaaradda Afrika ee (CAADP).
Shirkaan waxaa iskugu imaan doona hoggaamiyeyaasha Afrika si ay uga wadahadlaan maalgelinta iyo horumarinta beeraha qaaradda, iyada oo la xoojinayo doorka muhiimka ah ee beeruhu ku leeyihiin koboca dhaqaalaha iyo sugnaanta cuntada.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Inta uu joogo Kampala waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa Madaxweynaha Uganda,Yoweri Kaguta Museveni, iyo Madaxweynaha Kenya,William Samoei Ruto, waxaana ay is aragoodi diirada ku saari doonaan xasilloonida gobolka, iskaashiga dhaqaale, iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka deriska ah.
Goor dambe oo maanta ah, Madaxweynaha ayaa safar ku tagi doona magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.
Socdaalkaan ayaa noqonaya muddo sanad kadib uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagayo Itoobiya wixii ka dambeeyay khilaafkii ka dhashay heshiiskii ee Itoobiya la gashay Somaliland, inkastoo goor dambe Dowladda Turkiga ay kala dhex dhexaadisay Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya laguna guuleeystay in la xaliyo khilaafkii labada dal.
Socdaallada diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah safarro ballaaran oo uu ku marayo gobolka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen booqashooyin uu dhawaan ku tagay dalalka Ereteriya iyo Jabuuti. Intii uu ku sugnaa dalalkan, Madaxweynaha ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga adag ee kala dhaxeeya dalalka deriska ah iyo horumarinta yoolalka wadajirka ah ee nabadda, horumarka, iyo xasilloonida Geeska Afrika.