Sabti, January 11, 2025 (HOL) - Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed iyo Taliyaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa Baledweyne ka wada kulamo lagu dardar galinayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Masuuliyiintaan oo ay wehlinayaan qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto gobolka Hiiraan ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada reer Baledweyne kala hadlay in dib loo bilaabo dagaalka dalka looga xureynaayo kooxda Al-shabaab.
Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ka hadlaayay kulan ay la qaateen dhallinyarada gobolka Hiiraan ayaa ku baaqay in dib loo abaabulo kacdoonka ka dhanka ah dagaalka Al-shabaab.
“Dhammaanteen waa in aan ka shaqeynaa amniga, jidadkana dib loo furo, shaqo weyn oo ah la dagaalanka Al-shabaab ayaan dooneyna inaan dib u furno wixii kale ee caqabad jiray waa naga soo dhamaadeen waa inaan u jiheysanaha xureynta dalka oo qof walba masuuliysad ka saaran tahay” ayuu yiri Taliyaja NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Taliye Sanbaloolshe ayaa sidoo kale ka dalbaday dhallinyarada gobolka Hiiraan iney la shaqeeyaan ciidanka dowladda Fedaraalka ee la wareegay amniga guud ee magaalada Baledweyne si loo helo nabadgalyo waarta.
Dhallinyarada gobolka Hiiraan oo qaarkood kulanka ka hadlay, lana wadaagay masuuliyiinta dowladda caqabadahii jiray ayaa dhankooda waxay balan qaadeen in ciidanka dowladda kala shaqeynayaan hagaajinta amniga guud ee magaalada Baledweyne.
Ugu dambeyntii amniga guud ee magaalada Baledweyne ayaa waxaa si rasmi ah maalmo ka hor ula wareegay ciidamo isku dhafan oo isugu jira Nabadsugid, Booliis iyo Militari, waxaana talaabadaan si weyn u soo dhaweeyay dadka ku nool xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.