Sabti, January 11, 2025 (HOL) - Shirkii sadax geesoodka ee u dhaxeeyay Wasiirada arrimaha dibadda ee Dowladaha Masar, Soomaaliya iyo Eritrea kaa oo maanta ka dhacay magaalada Qaahira ayaa laga soo saaray war murtiyeed.
Shirkaan oo hal maalin ahaa kaliya ayaa wasiirada waxa ay diirada ku saareen dardargelinta qodobadii kasoo baxay heshiiskii Dowladahaani ku dhex maray magaalada Asmara Bishii October ee 2024kii.
Saddexda wasiir ayaa ka wada hadlay tillaabooyinka fulineed ee kor qaadida ammaanka Geeska Afrika iyo mida Badda Cas, iyo ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dalalka gobolka kuyaala.
Wasiiradaan ayaa soo dhoweeyay horumarka laga gaaray horumarinta iskaashiga ka dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya, Masar ayaa ka qeyb qaadanaysa dadaallada nabad ilaalinta iyo nabadeynta Soomaaliya.
Saddexda wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen tayeynta hay’adaha dowladda Soomaaliya, si ay awood ugu yeeshaan ciribtirka argagaxisada, sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen dhammaan deegaannada uu ka kooban yahay, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo ilaalinta xuduudaha dhuleed iyo baddeed ee ay leedahay.
Wasiirka arrimaha Dibadda ee Masar Abdel-Ati ayaa uga mahadceliyey taageerada Ereteriya iyo Soomaaliya ay u fidiyeen musharaxa Masar ee u tartamaya jagada Agaasimaha Guud ee UNESCO, Dr. Khaled El-Enany.
Shirkaan kan xiga ayaa lagu wadaa in lagu qabto magaalada Muqdisho waxaana sidaasi shaaciyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar.