Axad, January 12, 2025 (HOL) - Masuuliyiin ka tirsan dowladda fedaraalka Soomaaliya oo maalmahii lasoo dhaafay Baledweyne ku sugnaa ayaa maanta duuleedka magaalada Baledweyne kula hadlay boqolaal ka tirsan ciidamada deegaanka oo ay sheegeen in la qarameynayo.
Masuuliyiinta ka socota dowladda ee ciidanka deegaanka la kulmay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Badroolka Xukuumadda Soomaaliya Daahir Shire Maxamed, Taliyaha hay'adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Baledweyne.
Taliyaasha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay ciidankan oo aad u hubeysnaa ayaa balan qaaday in la qarameyn doono dhamaantood.
"Waxaan idiin balan qaadaya in sida ugu haboon leydin qarameyn doono, waxaad aheydeen geesiyaal Khawaarijta cashar u dhigay, ma aheyn in dadkiina maadama dhibaatada ka dulqaadeen inaad kula soo noqotaan oo wadooyin xirataan idinka cadaw iska dhigataan, wixii aan Khawaarijta kula dagaalanay suurta gal maaha in aan dadkeena ku sameyno, gobolka Hiiraan waa in aan lagu arkin Isbaaro, hada waxaa markale leydinka doonaya inaad u diyaar garowdaan la dagaalanka Cadawga aad horay qoryahiina ugu qaadateen" ayuu yiri Taliye Jenaraal Odawaa Yuusuf.
Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda Cabdullaahi Sanbaloolshe oo dhankiisa la hadlay ciidankaan ayaa sheegay in wax walbo oo khilaaf ahaa lasoo dhameeyay, islamarkaana dowladda talaabada ay idiinka baahan tahay ay tahay inaad dib ugu laabataan furumaha dagaalka.
"Wixii jiray waa laga heshiiyay dadka waxa loo baahan yahay waa inaan dib loogu laaban oo bulshada dhexdeeda dowladdu qarameyn ayay idinku sameyn doonto, wixii maanta ka danbeeyo isju diyaariya inaad qeyb ka noqondaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, Waxaan ka shaqeyn doonnaa si kasta oo ay suurtagal u tahay in aan idin qaranmeyno, dowladnimada aad horay u gashaan oo aanad daraf ka taagnaanin” ayuu yiri Taliyaha Nabad sugidda Cabdullaahi Sanbaloolshe.
Wasiirka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya Daahir Shire ayaa dhankiisa ciidankaan u sheegay iney heli doonaan xaquuq kasta oo la mid ah mida ay helaan ciidamada dowladda, islamarkaana ayaga looga fadhiyo iney sii laba jibaaraan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.