1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 15, 2025
Sheekh Shariif " Dowladda waxa ay dooneysaa inay Ardeyda Iskuulada iyo Jaamacadaha ay u diiwangeliso Doorashada Qof iyo Codka"
 

Arbaco, January 15, 2025 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Shir jaraa’id ah ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay siyaasadda guud ee dalka, waxa uu soo hadal qaaday isbadalka lagu sameeyay Dastuurka ee kala duwanaanta ah ka dhex abuuray Dowladda federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah, waxaana uu tilmaamay inaan heshiis lagu ahayn Dastuurkaasi loona baahan yahay si sax ah in Soomaalida loo heshiisiiyo.

Sheekh Shariif ayaa shaki galiyay sida Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay wax ku wado iskaba daaye inay Doorasho Qof iyo Cod ku dhacdo xitaa inaysan dhici karin Doorashadii dadbaneyd, waxa uu soo hadal qaaday waxa lagu saleeyay dhismaha Guddiga Doorashooyinka uu wax iska weydiiyay hadii ay yihiin kuwa koox ay soo dhiseen ama loo dhan yahay, waxa uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu shaaca ka qaaday in loo baahan yahay waxyaabaha ku horgudboon doorashooyinka in lagawada heshiiyo.

“Doorashada la qabanayo ma waxaa laga qabanaya, Muqdisho, Baydhabo, Dhuusameerd iyo jowhar, soo ma abuuri doonto inay dadka kala tagaan, isu dooni doodina waqti kale lagu bixiyo, hadii larabo doorashooyinka in lahagaajiyo waxaa la heli karaa khiyaaraad badan oo fudud oo ka musuq maasuq la’ ka nadiifsan, balse su’aasha ayaa ah malaga fikiray arimahaasi”.ayuu ku yiri Shirkiisii Jaraa’id Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxa uu Shariif Sheekh Axmed uu shaaca ka qaaday inay la yaab tahay in Guddiga uu sameenayo inuu Ardeyda Iskuulada iyo Jaamacadaha dad laga qaadayo oo laga diiwaangelinayo Degmooyinka si ay Doorashooyinka ugu codeeyaan.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ku nuux nuuxsaday inuusan dalkaan lahayn Baarlamaan Shaqeeya, Xukuumad Shaqeeysa iyo Garsoor Shaqeeya kaliya Shaqsi kaliya uu ka shaqeeyo wadankaan.

Waxa uu si kulul u cambaareeyay heshiisyadii dhowaan ka dhacay dalka Turkiga iyo Itoobiya oo Dowladda Soomaaliya dib ay ugu soo celisay xiriirkii kala dhaxeeyay Dowladda Itoobiya, waxaana uu sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay u baahan yihiin in si sax loowada heshiisiiyo.