Arbaco, January 15, 2025 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa joojiyey diiwaangelinta isimada dhaqanka. Wasiirka arrimaha gudaha Puntlnd Cabdi Saciid Faarax Juxa ayaa sheegay in tirada dadka doonaya in loo aqoonsado isimo ay aad uga badan yihiin sida uu sheegay, tirada dadka mucaawinada la siiyo.
"Maamulku wuxuu la kulmay carqalad ballaaran oo ka timid tirada badan ee codsiyada isimada dhaqanka," ayuu yiri Wasiir Juxa oo shaaciyay in si kumeel gaar ah loo hakiyay qabashada warqadaha codsiyada isimnimo.
Wasiir Juxa wuxuu intaas ku daray in nidaamka hadda jira ee lagu maamulo isimada dhaqanka uu u baahan yahay dib-u-habayn iyo xakameyn si loo xaqiijiyo habsami u socodka howlaha dhaqanka iyo maamulka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay inay bixiso mushaarka isimada dhaqanka Soomaaliyeed. Dowlad-goboleed walba waxa uu leeyahay tiro go’an oo isimo ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda aqoonsan 135 Isim, kuwaas oo ahaa ergadii soo xushay baarlamaankii 2012 illaa 2016. Sidoo kalena waa odayaashii soo xulay ergadii meel marisay dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.
Khilaafaadka dhexmara beelaha gudahooda ayaa keena sameysanka isimo cusub. Mararka qaarkood maamulada ayaa lagu eedeeyaa inay sameeyaan isimo cusub, si ay isaga yareeyaan culaysyada ka haysta gudaha qabaa’ilada.