Arbaco, January 15, 2025 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland oo kaashanaya Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo culumada, ayaa ku dhawaaqay in ay qaadayaan hawlgal lagula dagaalamayo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha.
Gaashaanle Sare Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil Sheekh Xasan, oo u hadlay ciidanka booliiska ayaa amar ku siiyay dhamaan talisyada kala duwan ee ciidamada booliiska in ay qaadaan hawlgalo lagaga hortagayo mukhaadaraadka xuduudaha laga soo galiyo, iyo dadka ka shaqeeya ama isticmalaala.
"Ciidanka Boolisku waxay u taagan yihiin inay la dagaallamaan, ka hortagaan iyo inay soo qabtaan oo sharciga waafijiyaan cid kasta oo mukhaadaraad soo galinaysa dalkan JSL, waxa aan amar ku siinaya taliyayaasha hawlgalkan" ayuu yidhi Gaashaanle Cabdicasiis.
Waxa uu sheegay in ollolahan oo socon doona muddo 3 todobaad ah, ay ka wada shaqaynayaan Wasaarada Diinta iyo Awqaafta, iyo Hay'adda Xumaan Reebista iyo Wanaag Farista Somaliland.
"Saaka waxa aanu bilaabaynaa ollole baladhan, oo saddex todobaad soconaya oo dalka oo dhan laga qabanayo, taliyayaasha gobolada waxan faraya in ay la shaqeeyaan Wasaarada Diinta iyo Awqaafta" ayuu hadalkiisa ku daray Gaashaanle Cabdicasiis.
Maandooriyaha ayaa Somaliland kasoo gala dhinaca xuduudaha Itoobiya iyo Jabuuti, isla markaana ciidamada booliiska ayaa mararka qaar qaada hawlgalo gaar ah oo ay kula dagaalamayaan.