1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2025
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuno adag ku riday ragg isbaaro u taalay gobolka Hiiraan
 

Khamiis, January 16, 2025 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta dhageystay kiiska ilaa 6 ruux oo dhawaan ciidanka Nabadsugida kusoo qabteen howlgal ay ku qaadayeen isbaarooyinka yaalay inta u dhaxeysa magaalooyinka Baledweyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Raggaan Maxkamadda kasoo hor muuqday oo dhamaantood ahaa dhalinyaro ayaa tiradoodu aheyd 5 ruux, halka midka lixaad uu ku jira Isbitaal, kadib dhaawac kasoo gaaray howlgalkii jidgooyooyinka lagu qaadayay.

Baaraha kiiskaan ragaan la soo qabtay iyagoo isbaaro u taalay wadada dheer ee laamiga ah  Injineer Yuusuf ayaa sheegay iney ragaan dhac bareer ah u geysanayeen dadka iyo gaadiidka.

Qaar ka mid ah ragaan oo Maxkamadda ka jor hadlay ayaa qirtay iney jidgooyo u tiilay wadada, waxayna Maxkamadda ka codsadeen iney kiiskooda la qafiifyo, maadaama ay ka mid ahayeen ciidankii deegaanka u soo halgamay.

Ugu dambeyntii Dhame Maxamuud Saciid oo ah ku xigeenka xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa dalbaday in xukun adag lagu rido ragaan dhaca geystay si ay tusaale ugu noqdaan kula la midka ah, waxaana, Maxkamadda ay ragaan ku xukuntay min 10 sano oo xabsi ciidan ah iyo in hubkooda dowladda la wareegto.

Maxkamadeynta ragaan ayaa imaaneysa, iyadoo dhawaan amniga guud ee magaalada Baledweyne si rasmi ah ula wareegeen ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya.