1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 2 , 2025
Golaha Wasiirada oo ansixiyay Gudoomiyaha Cusub ee Hey'adda Qaxootiga iyo Xubin sare oo ku biiraya Guddiga sare ee Bangiga Dhexe
 

Khamiis, January 2, 2025 (HOL) - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku aaddan magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed.

Golaha ayaa ogolaaday oo ansixiyay in Axmed Xuseen Cilmi oo noqdo Gudoomiyaha Hey'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliya waxaana uu badelayaa Marwo Safiya Xasan Maxamed.

Marwo Safiya Shaqadii ugu dambeeyay ay qabatay waxay ahayd 24kii Bishii lasoo dhaafay oo Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ku soo dhaweysay 109 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo dalkooda dib loogu soo celiyay, kadib waqti dheer oo ay dalka Yemen Qaxooti ku ahaayeen.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada, ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee ah in Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim, ay xubin ka noqoto Guddiga Sare ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Marwo Xanifa Maxamed Ibrahim Xaabsade ayaa horey usoo noqotay xildhibaan federaal iyo Wasiirka Haweenka ee Dowaladii hore ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay uga mahadcelisay Golaha Wasiiradda ansixinta soojeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee inay xubin ka noqoto Guddiga sare ee Bangiga dhexe.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira, qiimeynta wax-qabadka Wasaaradaha Dowladda  sharciga nidaamka Xukuumadda iyo abaabulka iyo wacyigelinta bulshada ee ku aaddan doorashooyinka qof iyo codka ah ee la doonayo in dalkeenna laga hirgaliyo.