1/30/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 27, 2025
Wasiir Cali Xaaji "Hadalkii Cali Jeyte ma ahayn hadal ay mudan yihiin dadka dhibanayaasha u ah Khawaarijta"
 

Isniin, January 27, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cali Xaaji Xasan ayaa jawaabay adag ka bixiyay hadal dhawaan kasoo yeeray uqeybsanaha Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ee ciidanka difaaca deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda.

Wasiir Cali Xaaji ayaa ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Cali Jeyte oo ahaa in cid kasta oo loogu tago deegaanada ay joogaan Shabaab iney ka mid yihiin argagixisada, inuu ahaa hadal aanan masuuliyad ku dheehneen.

“Cali Jeyte wuxuu yiri cid kasta oo deegaanada Shabaab joogaan loogu tago waa argagixiso, hadalkaas waxaa ka muuqata xagjirnimo, balsr Ujeedka hadalka Cali wuxuu ahaa inay kacaan dadka jooga meelaha ay Shabaab ku dambeeyaan oo ay dagaalamaan” ayuu yiri Wasiir Caafimaadka Soomaaliya Cali Xaaji.

Wasiir Caafimaadka ayaa ugu baaqay masuuliyiinta iney iska ilaaliyaan hadalada xanafta leh oo fursadaha siinaya kooxda Al-shabaab, isagoona xusay in qaladkii Cali Jeyte uu saxay Taliyaha NISA Cabdulaalhi Maxamed Cali Sambaloolshe.

“Cidda kaliya ee hadalada xanafta leh fursad ka dhex helaysa waa Khawaarijta, masuuliyiinta waxaan ugu baaqayaa inay ka fiirsadaan hadallada xanafta leh, ee qabaa’ilka isku diraya, waxaan qiraya hadalka xanafta laha ee Jeyte in Sambaloolshe uu saxay, ma ahayn hadal ay mudan yihiin dadka dhibanayaasha u ah Khawaarijta, balse isla goobtii ayaa lagu saxay, marka waa in laga socdaa, lagana taxadaraa waxyaabaha noocaas ah" ayuu yiri Wasiir Cali Xaaji.

Ugu dambeyntii Jawaabta Wasiirka Caafimaadka ee hadalka Cali Jeyte ayaa imaaneysa, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka u diyaar garoobeen howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo laga fulinaayo guud ahaan deegaanada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin Hiiraan.