Isniin, January 27, 2025 (HOL) - Agaasimaha
Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali
Dhuxulow ayaa maanta magaalada Muqdisho kula saxiixday Booliska
Caalamiga ah ee (Interpol) heshiis iskaashi oo muhiim ah, waxaana uu
heshiiskan diiradda saari doonaa arrimaha socdaalka.
Si
guud waxa uu heshiiskaan diirada saari doonaa arrimaha ka hortagga
dambiyada abaabulan, kor u qaadidda amniga Socdaalka, xiriirka Hay'adda
socdaalka iyo Interpol iyo baadi goobka dadka lumay.
Taliyaha
Hoggaanka Booliska Caalamiga ah ee Soomaaliya, Jeneraal Dhoore, oo
munaasabadda ka hadlay ayaa amaanay horrumarka ay ku tilaabsanayso
Hay'adda Socdaalka Soomaaliya.
Agaasimaha
Guud, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa dhankiisa u
mahadceliyay guddiga HSJ iyo Booliska Caalamiga ah (Interpol), gaar
ahaan hogaankooda Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay heshiiskan mid
muhiimad gaar ah u leh xoojinta dadaallada la-dagaallanka xagjirka iyo
ka hortagga dambiyada socdaalka ee Soomaaliya, tan gobolka, iyo guud
ahaan Caalamka.
Ugu
dambeyn, Agaasimaha Guud Mudane Mustafa Duhulow ayaa wafdiga Interpol
booqasho ku geeyay Xafiiska Ka-hortagga Dambiyada Socdaalka, Fraud
Detection Unit (FDU) ee Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda, halkaas oo
ay warbixin kooban kaga dhageysteen saraakiisha ka howlgala xafiiskaan.