Talaado, January 28, 2025 (HOL) - Afhayeenka Xukuumada Somaliland, Xuseen Aadan Cige Dayr, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ku sugan dalka Imaaraatka Carabta, uu ku dadaalayo horumarinta xidhiidhka Somaliland iyo dunida.
Afhayeenku waxa uu sheegay in Madaxweyne Cirro, uu doonayo in Somaliland ay xidhiidh fiican la yeelato caalamka oo dhan "Madaxweynaha Somaliland waxa uu xaqiijinaya himiladiisa hagarla'aanta ah ee uu ku doonayo in uu kor ugu qaado meeqaamka ay Somaliland ku leedahay caalamka" ayuu yidhi Dayr.
Dhinaca kale, Lataliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweyne Cirro, Danjire Maxamed Haggi, oo ka mid ah xubnaha waftiga madaxweynaha, ayaa sheegay in madaxweynuhu uu la kulmay saraakiil sare oo ka tirsan dowlada Imaaraatka Carabta.
"Kulamada socdaalkan ku dhexmaraya dowladaha Somaliland iyo Imaaraatka Carabta, waxa la rajaynayaa inay noqdaan kuwii ugu wax-ku-oolsanaa uguna guulaha badnaa iswaydaarsiga diblumaasiyadda labada dhinac," ayuu yidhi Danjire Haggi.
Waxa uu sheegay in maxsuulka ka soo baxa wadahadaladani uu horseedi doono iskaashi iyo isbahaysi istiraatejiyadeed, taasi oo wadada u xaadhaysa horumar iyo barwaaqo la wada gaadho.
Hadalka Danjire Haggi ayaa ah warkii ugu horreeyay ee waftiga madaxweynaha laga helo tan iyo markii uu Axadii ka dhoofay magaalada Hargaysa, iyada oo madaxtooyadu aanay bulshada wax wargalin ah siinin kadib markii uu dhoofay waftigu.