Talaado, January 28, 2025 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay ku raja weynyihiin mar uun inay gaaraan in Ciidamada Soomaaliya ay badalaan Ciidamada Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya u jooga inay xasiliyaan, waxaana uu wax wanaagsan ku tilmaamay dhinaca kale in Masar ay Ciidamo usoo dirto Soomaaliya waxayna xoojin doonaan dagaalka ay Dowladda kula jirto Kooxaha Argagexisada.
Wareysi gaar ah oo siiyay Wasiir Fiqi Wariye Nashat Al-Dihi ee barnaamijkiisa gaarka ah ee la yiraahdo “Qalin iyo Warqad” ee laga sii daayay kanaalka TeN, fiidnimadii Isniinta ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay bilihii la soo dhaafay ay la kulmaysay cadaadis ku aaddan in aan la aqbali karin ka qeyb galka Dowladda Masar ciidamadeedi howlgalka cusub ee AUSSOM ee sanadkaan ka bilowday Soomaaliya.
Waxa uu tilmaamay Wasiir Fiqi in dadka ka soo horjeeda imaanshiyaha Masar ee Soomaaliya ay sabab uga dhigeen cabsida ay ka qabaan xurgufta Masar iyo Itoobiya, isagoo carabka ku adkeeyay in Masar ay ka qeyb qaadan doonto sidii looga takhalusi lahaa kooxaha argagixisada iyo dib u habeynta ciidamada Soomaaliya, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay aqbalaan in Ciidamada Masar qeyb ka noqon doonaan Howlgalka cusub, waxaana uu ku micneeyay inay howlgalkaan ka qeyb qaataan in lagu gaari doono guulo aan horey loo arag.
Waxa uu intaa ku daray in Soomaaliya ay ka dhaceen shirqoolo balse ay hadda ka soo kabaneyso, dhibaatadoodana ay hadda tahay Argagaxiso oo ay ugu horeeyso Daacish, maadaama dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii Argagexisada looga xoreeyn lahaa dhulka ay wali kaga harsan yihiin Soomaaliya, isagoo xusay in Masar ay Soomaaliya ka taageereyso la dagaallanka argagixisada.
Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkaan waxa ay sheegtay in Masar ay soo dhameystirtay dhamaan howlihii farsamo ee ay ugu soo biiri lahayd Howlgalka AUSSOM ayna mar dhow ciidamo usoo diri doonto Soomaaliya.