1/30/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 29, 2025
Booliska INTERPOL iyo AFRIPOL oo gacanta kusoo dhigay xubno ka tirsan Al shabaab iyo Daacish
 

Arbaco, January 29, 2025 (HOL) - Booliska INTERPOL iyo midka AFRIPOL ayaa iska kaashaday Howlgal caalami ah oo ka dhan ah argagixisada, kana dhacay Bariga Afrika oo ay Soomaaliya kamid tahay, ayaa sababay in la soo xiro 37 qof oo looga shakisan yahay falal argagixiso, iyadoo sidoo kale lagu qabtay hub fudud iyo hub culus labadaba.

Warbixintaan waxaa lagu sheegay in Dadka la soo qabtay ay ka mid yihiin xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha Daacish, Al-Shabaab, iyo dhowr dagaalyahan oo shisheeye ah, howlgalkaan ayaa muhiimadiisu ahayd in lasoo xiro Kooxaha argagexisada iyo kuwa la shaqeeya.

Soomaaliya, mas’uuliyiintu waxay soo xireen saddex qof, oo ay ku jirto haweeney looga shakisan yahay inay samayso bambooyinka, una qaabilsanayd qaybta Amniyaatka ee Al-Shabaab, taasoo dhigi jirtay walxaha qarxa ee guryaha lagu sameeyo, iyadoo bartilmaameedsanaysay ciidamada ammaanka iyo milatariga.

Mid kale oo ka mid ah dadka la soo xiray ayaa ahaa xubin ka tirsan Al-Shabaab oo la rumeysan yahay inuu weeraray dhowr goobood oo ay booliisku leeyihiin, isaga oo adeegsanaya bambooyinka gacanta laga tuuro.

Howlgalkaan ayaa dhacay labadii bilood ee ugu dambeeyay ee sanadkii 2024kii, Xarigga dadka ayaa ka kala dhacay siddeed dal oo ku yaalla Bariga Afrika intii lagu guda jiray howlgal wadajir ah oo ay fuliyeen booliska caalamiga ah INTERPOL iyo booliska Afrika ee AFRIPOL.

Wadamada Kale oo ay howlgalkaan ka dhaceen waxaa kamid ah Kenya, Tanzania iyo Mozambique, Ka hor inta uusan howlgalku bilaaban, waddan kasta oo ka qayb qaadanayay wuxuu diyaariyay qorshe hawleed, isagoo uruuriyay xogaha sirdoonka ee la xiriira bartilmaameedyada argagixisada, oo ay ku jiraan shaqsiyaadka iyo goobaha ay ku sugan yihiin.