Jimco, January 31, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay jiraan dadaallo ka socda Maraykanka oo lagu doonayo in Somaliland lagu aqoonsado.
Madaxweynaha oo waraysi gaar ah siiyey Wargeyska Washington Post, ayaa sheegay in ay jiraan dad ku dhow Madaxweyne Donald Trump oo doonaya in uu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland.
"Xidhiidh wanaagsan ayaanu waligay la lahayn Maraykanka. Ma ogin waxa uu maamulka Trump la imaan doono, balse wax xun kama filayno. Waxa jira dad ku dhow Trump oo doonaya in uu Somaliland aqoonsado," ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wuxuu intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay si adag uga soo horjeeddo aqoonsiga Somaliland. Isagoo sharaxaya taariikhda Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuu sheegay in Somaliland ay ahayd maxmiyad Ingiriisku ilaaliyo, halka Soomaaliya uu Talyaanigu gumaysan jiray, balse ay midoobeen 1960-kii iyagoo ku midowbay magaca Jamhuuriyadda Soomaalida.
Inkasta oo Somaliland ay si madax-bannaan isku maamulanaysay tan iyo 1991, isla markaana ay tahay goob dagan oo doorashooyin iyo dimuquraadiyadi ka hirgaleen, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in doorashooyinku aanay ahayn halbeeg lagu cabbiro qaranimada.
Wuxuu sidoo kale xusay in dowlado badan oo Afrikaan ahi ay ka baqayaan in aqoonsiga Somaliland uu u horseedi karo kacdoonno kale oo gooni u goosad ah, taasina ay sababtay in dalalka Afrika ay ka gaabsadaan aqoonsigeeda.
Warbaahinta Maraykanka ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyay qoraysay in laga yaabo in Trump uu aqoonsado Somaliland, iyadoo dhaqdhaqaaqyo lagu taageerayo aqoonsiga Somaliland ay ka socdaan Koongareeska Maraykanka. Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u hor istaagi lahayd aqoonsiga Somaliland.