1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 6 , 2025
Puntland oo qabaa'ilada gobolka Bari u abaabulaysa dagaalka ka dhanka ah ururka Daacish

Isniin, January 6, 2025 (HOL) - Puntland ayaa bilowday abaabulka qabaa’ilada ku dhaqan gobolka Bari, gaar ahaan dhulka ku teedsan deegaanka Calmiskaad, si ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah ururka Daacish.

Qabaa’ilada ku nool tuulooyinka bariga fog ee gobolka Bari ayaa la sheegay inay saamayn ku yeelatay joogitaanka iyo galaangalka ururka Daacish ee deegaannada qaar.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Puntland, Maxamed Baari Shire, oo dhawaan ka badbaaday weerar ay Daacish ku qaadday tuulada Dharjaalle, ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka ee qabaa’ilada. Kulamadaas ayaa looga hadlay doorka qabaa’ilku ku yeelan karaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah.

Maxamed Baari Shire ayaa sheegay in gobolka Bari uu noqday "bahalo galeen" ay sabab u tahay galaangalka iyo saamaynta ururrada Daacish iyo Al-Shabaab ku yeesheen bulshada deegaanka. Waxa uu xoojiyay baahida loo qabo in shacabka iyo qabaa’ilka iska kaashadaan sidii looga sifeyn lahaa ururradaasi deegaannadooda.

Laamaha amniga Puntland ayay ku adkaatay inay xog ka helaan degaanada Daacishtu ku sugan yihiin. Dhawaan weerarkii ka dhacay tuulada Dharjaale ayaa muujiyay fashilka sirdoon ee ciidanka Puntland.

Kooxdii weerarka geysatay ayaa la ogaaday inay soo jareen boqolaal Kiilo Mitir, iyagoo soo maray dhowr tuulo oo ay dad reer miyi ah degen yihiin. Hase ahaatee, dadkan ayaanan wax xog ah lasoo wadaagin laamaha amniga, iyadoo loo sababaynayo cabsida ay dadku ka qabaan in Daacish ogaato xiriirka ay la sameeyeen laamaha amniga.