1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2025
Masar iyo Soomaaliya oo yeelanaya wadahadallo ku saabsan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya
 

Arbaco, January 8, 2025 (HOL) - Masar ayaa qorsheyneysa in ay toddobaadka soo socda ay wada-hadallo muhiim ah la yeelato Soomaaliya, si ay uga wada xaajoodaan ka qaybgalka Qaahira ee howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya.

Wada-hadalladan ayaa ka dhici doona magaalada Qaahira intii u dhaxeysa 15-ka ilaa 17-ka bishan Janaayo, sida uu sheegay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cali Balcad.

Howlgalkan cusub ee nabad ilaalinta ayaa ah dadaal lagu xoojinayo ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan ka hortagga kooxaha argagixisada iyo taageeridda dowladnimada Soomaaliya.

Masar, oo ka mid ah dalalka waawayn ee Afrika, ayaa sanadkii hore ku dhawaaqday inay diyaar u tahay inay ciidamo u dirto howlgalka xasilinta iyo taageerada Midowga Afrika kadib markii ay Soomaaliya ka codsatay.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar, H.E. Dr. Badr Abdel Ati, ayaa sheegay in dalkiisu muhiimad weyn siinayo kaalmada la xiriirta nabadgalyada iyo xasilloonida gobolka.

Wadahadallada la filayo inay dhacaan ayaa looga golleeyahay in la isku waafajiyo qorsheyaasha labada dal ee ku aaddan hawlgalka Midowga Afrika, laguna qeexo doorka Masar ee taageerada Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa laga yaabaa in diiradda la saaro sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada kale ee siyaasadda, dhaqaalaha, iyo horumarinta adeegyada muhiimka ah.

Masar ayaa sanadihii dambe dadaal ku bixisay xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka Geeska Afrika, iyadoo isku dayaysa inay kaalin muuqata ka ciyaarto amniga iyo horumarka gobolka. Sidoo kale, Soomaaliya ayaa u aragta Masar inay tahay xulafo muhiim ah oo ka caawin karta helidda taageero milatari iyo dhaqaale si wax looga qabto caqabadaha gudaha dalka.