1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 9 , 2025
In ka Badan 18 Qof oo Dhintay Kadib Weerar Lagu Qaaday Madaxtooyada Dalka Chad
 

Khamiis, January 9, 2025 (HOL) - Waxa xalay abbaaro 7:45 fiidnimo weerar xooggan lagu qaaday Madaxtooyada dalka Chad ee N'Djamena, halkaas oo lagu dilay 18 kamid ah kooxdii weerarka soo qaaday iyo askari ka tirsan ilaalada Madaxtooyada.

Kooxda weerarka ku qaaday Madaxtooyada Chad ayaan ilaa hadda haybtooda si toos ah loo sugin, iyada oo wararka qaarkood ay sheegayaan inay ahaayeen koox kamaandows ah oo ka tirsan ciidanka, halka warar kalena ay sheegayaan inay ka tirsanaayeen kooxda Boko Haram ee xagjirka ah.

"Waxa la dilay 18 kamid ah kooxdii weerarka soo qaaday, waxaana laga dhaawacay 6, annaga waxa naga dhintay hal askari, waxaana naga dhaawacmay saddex kale oo mid kamid ah uu dhaawiciisu culus yahay," ayuu yidhi Afhayeenka Dowladda Chad, Cabdiraxmaan Koulamallah, sida uu u sheegay AFP.

Koulamallah waxa uu intaa ku daray in xaaladda hadda ay daggan tahay, isla markaana ay dowladda si buuxda gacanta ugu hayso amniga Madaxtooyada iyo dalkaba. Wariyayaasha AFP ee goobta ku sugan ayaa soo warinaya in ciidamo badan oo taangiyo wata lagu soo daadiyay agagaarka Madaxtooyada.

Weerarka ayaa dhacay wax yar kadib kulan uu Madaxweynaha dalkaas, Maxamed Idriss Déby Itno, Madaxtooyada kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi, iyo saraakiil kale oo Shiinees ah.