4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 1 , 2025
Madaxweyne Axmed Madoobe: Guddiga Doorashada Soomaaliya waxaa Laga sameeyay Bakaaraha
 

Sabti, Maarso 1, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa sheegay in uusan wax kalsooni ah ku qabin guddiga doorashooyinka heer qaran ee ay magacowday dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay in guddiga laga soo xulay suuqa Bakaaraha.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa caddeeyay in sababta uu uga baxay Golaha Wadatashiga Qaran ay tahay dhismaha guddigan, oo uu ku tilmaamay mid aan loo marin sifo sharci ah oo la isla oggol yahay.

“Kuwa guddiga ah dhexdooda ayaa is og in aanay wax sharciyad ah lahayn. Waa Cabdalle Shideeye. Waxa ay wadaan ma ahan wax Soomaali leedahay. Waa wax ay shirkadi leedahay,” ayuu yiri Axmed Madoobe, isagoo markii ugu horreysay ka hadlay sababaha keenay khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Jubbaland ay diiday qorshe ay dowladda Federaalka Soomaaliya damacsanayd, kaas oo ahaa, in guddiyada doorashada laga dhigo hal guddi oo maamula doorashooyinka heer qaran iyo kuwa dowlad-goboleedyada.

Axmed Madoobe wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheikh iyo saaxiibadiiisa siyaasadeed inay aaminsan yihiin inay talada dalka kusii joogi karaan sharciyad la’aan.