Sabti, Maarso 1, 2025 (HOL) - Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa dib u eegis ku sameeyay xayiraadaha saaran taliyeyaasha Mareykanka si ay u ansixiyaan duqeymaha cirka iyo howlgalada khaaska ah ee ka baxsan goobaha dagaalka caadiga ah.
Tallaabadan ayaa la sheegay inay ballaarinayso dadka la bartilmaameedsan karo, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah oo xog ogaal u ah isbedelka siyaasadeed ee maamulka madaxweyne Trump.
Dib u habeyntan ayaa meesha ka saareysa amaradii xilligii Biden, iyadoo calaamad u ah dib u noqoshada siyaasadihii dagaalka ka dhanka ahaa argagixisada ee Trump markii hore soo rogay xilligii uu xilka hayay.
Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa kulan uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha sare ee ciidamada Mareykanka ee Taliska AFRICOM ee Jarmalka, waxa uu saxiixay amar fududeynaya duqeymaha cirka iyo dirista ciidamada gaarka ah ee Mareykanka.
Tallaabadan ayaa diiradda saaraysa dabacsanaanta, iyadoo taliyeyaasha la siiyay xorriyad dheeraad ah si ay u go’aamiyaan cidda la bartilmaameedsanayo, halka ay sidoo kale dabacday nidaamkii xakamaynta dhexe ee madaxweyne Joe Biden ku xakameyn jiray duqeymaha cirka iyo howlgallada ciidamada khaaska ah ee Mareykanka, sida ay u sheegeen CBS News saraakiil Mareykan ah oo codsaday in aan la magac dhabin sababo la xiriira arrimaha amniga qaranka.
Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca ayaa CBS News u sheegay in siyaasadaha dagaalka ee Biden ay la mid ahaayeen kuwii la dejiyay intii uu xilka hayay madaxweynihii hore Barack Obama xilligii labaad. Intii uu Biden xilka hayay, duqeymaha cirka badanaa waxay bartilmaameedsan jireen hoggaanka sare ee ururada argagixisada.