Sabti, Maarso 1, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo kulan buuq isku beddelay Aqalka Cad kula yeeshay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa ku eedeeyay in aanu nabad rabin, isla markaana uu ku khamaarayo dagaalkii saddexaad ee adduunka.
Wax u ekaa bahdilaad ayaa ku bilaabmay Zelensky markii uu soo gaadhay Aqalka Cad, iyada oo Trump iyo wariyayaal goobta ku sugnaa ay ku ceebaynayeen labiskiisa, kuna yidhaahdeen, "Maad soo xidhtid suudh?" Halka uu Zelensky sheegay in waddankiisu dagaal ku jiro, marka uu dagaalka ka baxana uu suudh xidhan doono.
"Waxaad ku khamaaraysaa dagaalkii saddexaad ee adduunka. Waxa aad samaynaysaa ixtiraam-darro ayay ku tahay waddankan. Waad hadal badantahay, waddankaagu khatar ayuu ku jiraa, kuma guulaysanaysid dagaalkan," ayuu yidhi Trump intii lagu guda jiray kulanka.
Madaxweynaha Ukraine ayaa intaa kadib sheegay in waddankiisu uu is-difaacayo, isla markaana ilaa bilowgii dagaalka ay kaligood iska difaacayeen Ruushka. Markaas kadib, Trump oo cadhooday ayaa yidhi: "Dagaalka kaligiin kuma aydan ahayn ee madaxweyne nacas ah ayaa 350 bilyan oo dollar iyo taageero millateri idinku kaalmeeyay" isaga oo ula jeeda John Biden.
Zelensky ayaa Trump u sheegay in laga yaabo in dhibaatada maanta haysata Ukraine ay berri qabsan doonto Mareykanka, taas oo Trump ka xanaajisay. "Nooma sheegi kartid waxa nagu dhici doona! Waligayba waanu fiicnaan doonnaa, awoodna waanu lahaan doonnaa," ayuu Trump ugu jawaabay Zelensky.
Trump ayaa Zelensky ka codsaday inuu u oggolaado in Washington ay gurato macdan qaaliga ah ee laga helo Ukraine, si Mareykanku uu usoo ceshado lacagtii uu taageerada u siiyay intii uu dagaalku socday. Balse Zelensky wuu ka caga jiiday, taasoo sababtay in lagu jeesjeeso.
Ugu dambayntii, Trump wuxuu Zelensky u sheegay inuu soo noqdo marka uu nabad diyaar u noqdo, taasoo loo fasirtay inuu ula jeeday marka uu ogolaado in macdanta waddankiisa uu Mareykanku qaato. Dhanka kale, Ruushka ayaa sheegay in Trump uu dulqaad sameeyay intii kulanku socday, iyagoo xusay inay filayeen inuu xitaa dhirbaaxo Zelensky.