Sabti, Maarso 1, 2025 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah u qaramaysay guutadii ugu horraysay ee ka tirsan ciidamo-beeleedka SSB, kuwaas oo ku sugan gobolka Sanaag.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, iyo wefti uu hoggaaminayo oo Ceerigaabo u jooga xasilinta xiisadaha ka taagan gobolka Sanaag iyo qaramaynta ciidamada madaniga ah, ayaa ku guulaystay in ay millatariga ku daraan guutadii ugu horraysay.
"Maadaama maanta la qarameeyey qaybtii ugu horraysay ee ciidamada madaniga ah, gogoshii nabadgelyadana waanu dhignay. Ceerigaabo cidina cid kama xigto, waa la wada leeyahay, waana lagu wada noolaa," ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku, xilli uu ka hadlayay goobta lagu qaramaynayay ciidamada.
Wuxuu intaas ku daray in dhammaan ciidamada madaniga ah ee hadhay si dhakhso ah loo qaramayn doono, isaga oo waxgaradka gobolka Sanaag ku booriyay inay dadajiyaan hawsha qaramaynta ciidamada.
Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu sidoo kale xusay in gobolka Sanaag iyo magaalada Ceerigaabo ay muhiim u yihiin Somaliland, sidaa darteedna uu ugu baaqayo dhammaan bulshada iyo waxgaradka Somaliland inay u guntadaan soo celinta nabadda.
"Waxaanu diyaar u nahay in marka nabadgelyada yari dhammaato, Madaxweynuhu u yimaado Ceerigaabo, si loo fuliyo wixii loogu ballan qaaday, lagana sii badsado," ayuu yidhi.
Ciidamada madaniga ah ee ku qalabaysan baabuur iyo hub ayaa waxa samaystay qaar ka mid ah beelaha daga gobollada Sanaag, Togdheer, iyo Sool, kadib markii gobolada ay ka dhasheen xiisado iyo dagaallo dhexmaray ciidamada SSC Khaatumo.